Tottenham Oo Guul-darro Qoorta U Surtay Arsenal +SAWIRRO

1798

Arsenal ayaa guul-darro kala soo laabatay qalcadda White Hart Line inakstoo guud ahaan iyaga ay haysteen maamulka kubadda

Sheekada labada qeyb : Labada koox ee Tottenham iyo Arsenal ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac min hal gool ah xilli kulankaan uu ka tirsanaa wareegga 35-aad ee horyaalka Ingiriiska

Ciyaarta ayaa aheyd mid deg degsiimo leh xilli labada koox ku bilaabeen qaab xooggan balse ma jirrin biloowgii fursado xaqiiq ah

Daqiiqadii 9-aad Tottenham ayaa gool ku sigatay balse goolhayaha Arsenal ayaa ka bad baadiyay Harrry Kane .

Ka dib baas laga kala jaray Tottenham , waxaa gool u turjumay Lacazette kaasi oo banaanka ka toogtay goosha Tottenham balse waqti badan ma sii jirin farxaddaas waxaana Arsenal lagu helay goolka bar bar dhaca ka dib baas uu qalday Kolasinac oo uu u diray David Silva ayaa waxaa qabsaday Son oo gool u turjumay daqiiqaddii 19-aad

Tottenham daqiiqadii 30-aad gool ayaa laga bad baadiyay waxaana sidaas sameeyay goolhayaha oo kubad shabaqa sii galeysa bixiyay xilli birta ayay ku sii dhacday

Arsenal iyagav aya ku badnaa kubadda , waxaana la tilmaami karaa in labada koox ay wacnaayeen qeybtaas hore .

Biloowga soo labaashadii , ma jirrin halis gillin waxa ayana ciyaarta aheyd mid u furan labadaas koox inakstoo Arsenal ahaayeen dhankii ku badnaa kubadda.

Tottenham wax aya ku wacnaayeen kubadhaha rogala celiska ah balse Arsenalka ayaa ka maqnaa maadaama kubadda ay haysteen oo aysan jirrin fursado ay u turjumayeen gool , waxa uuna tababaraha Arsenal badlakiisa koowaad ku soo giliyay Bukayo Saka oo daqiiqaddii 70-aad loo saaray Pepe

Arsenal dhamaadkii waxaa gool u diidayay goolhayaha Tottenham iyaga ayaana ahaa dhankii u janjeeray in natiijada ciyaarta wax kla badalaan balse Tottenham mar waliba halis qarsoon ayay ahaayeen .

Arsenal kubadda waa ay haysteen balse gool labaad ayaa lagu helay daqiiqadii 81-aad waxaana madaxa ku dhaliyay Toby Alderweireld ka dib kubad koorno aheyn , mar kale Arsenal waa sigteen balse Harry ayaa laga bad baadiyay gool labaad waxaana sidaas sameeyay goolhayaha .

Arsenal si natiijada wax uga badalaan waxa uu hal mar soo wada galiyay daqiiqaddii 85-aad Soares ,Nelson ,iyo Willock oo loo saaray Bellerin ,Terney iyo Kolosinac .

Dhamaadkii Tottenham fusrado xaqiiq ah ayay qasaarinayeen balse waxa ay ciyaarta ku dhamaeeyeen 2/1.