Goodax Barre oo doonayo inuu xiro jaamacado badan+VIDEO

1476

Wasiirka wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka ah Soomaaliya, Xildhibaan Cabdullahi Goodax Barre oo hadal siiyey warbaahinta ayaa sheegay in dhowaan qiimeyn rasmi ah lagu sameyn doono tayada dhammaan Jaamacadaha ku yaalla gudaha dalka, gaar ahaan magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Goodax Barre ayaa sheegay in muhiimada ay tahay in la ogaado cilmiga ay ardayda Soomaaliyeed siiyaan Jaamacadaha dalka.

”Waxaa la qiimaynayaa tayada Jaamacadaha, si loo ogaado Cilmiga ay ardaydu siiyaan.” ayuu yri wasiir Cabdullaahi Goodax Barre.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in qiimeynta ay haatan bilaabatay, islamarkaana guddi gaar ah loo saaray, kaas oo soo bandhigi doono dhammaadka sanadkan 2020-ka.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in Jaamacaha aan duruustooda sugneyn aysan dalka ka sii shaqeyn doonin, halka kuwa tayadooda ay wanaagsan tahay ay sii wadan doonaan shaqada, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa arrin lagu hubinayo awoodda tacliinta Jaamacadaha, kuwa tayadoodu wanaagsan tahay waa ay sii shaqeynayaan, halka kuwa meelaha dhexdhexaad ah la isu biirinayo si awooddoodu mid loogu dhigo, balse Jaamacadaha aan duruustooda sugneen ma sii shaqeyn doonaan” ayuu yiri hadalkiisa sii raaciyey siihaya wasiirka waxbarashada Somalia.

Si kasbata ha’ahaatee hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli sanadihii dambe ay aad u soo kordhayeen Jaamacaha ku yaalla dalka, kuwaas oo qaarkood laga deyriyey tayooda.