Yaa kuguulaystay shirkii Muqdisho ?

1605

Waxaa shalay soo xirmay shirkii u socday madaxda maamul goboleedyada iyo madaxweynaha dowladda faderalka ah. Shirkaan oo dhowr cisho socday ayaa la doonayay in xal looga gaaro khilaafka hareeyay hannaanka doorashada dalka iyo waqtigeeda. Shirkaan ayaa daba socday midkii Samareeb3. Qodabbadi shirkaas kasoo baxay ayaa waxaa ka biyo-diiday madaxda Jubaland (JL) iyo Puntland (PL) oo horay u qaadacay. Labada diidday heshiiski Samareeb3 iyo shanti gaartay heshiiska labadaasi diideen ayaa mar kale ku kulmay Xamar. Waxaa loo sawirtay labo kooxood oo is diiddan inkasta oo ay kala badan yihiin. Wixii shantu gaartay haddii ay labo diidday, in shantu labada u hoggaansanto iyo labadu soo rujuucdo kay noqon doonto ayaa aad looga doodayay. Yaa badin doono, yaa laga adkaan doonaa iyo kuwee ayay guushu raaci doontaa ayuu murunku ahaa. Shalay ayaa lasoo saaray war-murtiyeed 15 qodob ka kooban oo dhammaan ay wada saxiixeen. Haddaba yay guushu raacday?

Taageerayaasha shantu ama aan dhaho madaxweynahu waxay qabaan in ay iyagu guushu raacday. Waxay ku doodayaan dalabaadki JL iyo PL ee ahaa in marka hore raysulwasraare la magacaabo, marqatiyaal caalami ah la keeno iyo middi ugu muhiimsanayd JL ee ahayd in ciidamada dowladda Gedo laga soo saaro iyadoon la fulin ay aqbaleen shirka. Intaas waxay ku dareen in shirkii Samareeb3 aan wax macno leh laga baddalin ee toostoosin kaliya lagu sameeyay si odayaasha loogaga dhigo waji ilaashi. Waxay ku doodeen in qodobka ugu culus ee Farmaajo haystay uu ahaa in wax walba oo soo baxo baarlamaanka la marsiiyo si uu sharci u noqdo. Kaasna waa la yeelay.

Dhinaca kale waxay u arkaan in guushu raacday madaxweynayaasha JL iyp PL. Waxay ku doodeen in lagu qasbanaaday in wixii hore eber laga soo qaado oo shirki kow iyo dood cusub laga billaabo; in la yeelay dalabaadkoodi ahaa in dhammaan madaxda maamul goboleedyada ay wada yimaadaan; in la dhimo tirada soo xulaysa xildhibaannada oo laga dhigay 101 oo ay iyagu rabeen; in la dhimay goobaha doorashada; iyo la kala diray guddigii doorashada oo mid cusub oo maamuullada qayb ka yihiin la magacabo iyo inay si cad u muujiyeen in meesha ay ka maqan yihiin aan waxba lagu gaari karin.

Labada dhinac waa gar leeyihiin marki qolo qalba muraayadaha ay xiran yihiin lagu eego. Laakiin guusha dhabta ah waxay raacday qarannimada Soomaaliya. Waxaa si dhab ah u guuleystay madaxbannaanida iyo sharafta Soomaaliya iyo dadkeeda. Laba qodob oo kala muhiimsan ayaa guushaan keenay. Kan ugu muhiimsan ee maanta badbaadiyay sharafka Soomaaliya iyo kan madaxweynaha dalka waa in la isku raacay in go’aanka ugu danbeeyo baarlamaanku yeesho. Baarlamaanku waa hay’adda ugu sarrayso dalka. Waa matalaha shacabka. Waa codka dad weynaha. Waa ilaaliyaha maslaxada dalka iyo dadkiisa. Isagoo intaas oo ahmiyad ah leh haddii masiirka dalka lagu dhammayn lahaa shir ay galeen 7 qof oo shirtay waxay noqon lahayd in dalku uusan lahayn baarlamaan matalo waxaana mugdi gali lahaa qarannimada oo dhan.
Arrinka labaad ee guusha Soomaali siiyay laakiin kan ka ahmiyad hooseeyo waa in heshiis la gaaray iyadoo aysan ajannabi iyo cid kale goob joog ka ahayn madasha wada hadalka. Arrintaanu waa muhiim marki la eego wixii na soo maray. Sawirradi muragada iyo foolxumada lahaa ee laga qaadi jiray goobaha shirarka Soomaalida ayaan ka badbaadnay. Waa lagu doodi karaa dushaa laga hagayay. Laakiin waxba wax ayay dhaamaan. In lagu dhex fadhiyo oo laguu yeeriyo waxaad dhahayso waxaad dhihi lahaydna lagaa ilaaliyo wax ka daran ma jiraan. Taas ayaan ka badbaadnay. Warki oo kooban guushu waxay raacday Soomaaliya iyo inta jecel. Haddaan si kale u dhaho waa la wada guuleystay.

Ibrahim Aden Shire – Waxaad kala xiriiri kartaa Ishire86@gmail.com