Liverpool Oo Nus-Darsin Goolal Ah Ku Xasuuqday Lincoln City +SAWIRRO

1645

Kooxaha kubadda cagta Liverpool iyo Manchester City ayaa iska xaadiriyey wareegga afraad ee tartanka Carabao Cup kaddib markii ay guulo waaweyn ka gaadheen kooxaha Lincoln City iyo Bournemouth oo ay foodda isku dareen wareeggii saddexaad.

Liverpool ayaa xasuuq weyn u geysatay naadiga heerka hoose ee Lincoln oo ay marti u ahayd, waxaanay ku karbaashtay 7-2, iyadoo uu wacdaro dhigay laacibka da’da yar ee Curtis Jones oo shabaqa saaxiib la noqday.

Tababare Jurgen Klopp ayaa isbeddello waaweyn ku sameeyey safkiisa, waxaana xiddigihiisa rigliga ah uu kaliya kusoo bilaabay difaaca reer Netherlands ee Virgil van Dijk oo kubadda u dejinayay, sidoo kalena kalsooni siinayay saddex laacib oo difaac da’yar ah iyo goolhayaha oo kasii dambeeyey oo isaguna aan hore fursad ugu helin fagaareyaashan.

Daqiiqaddii 9aad ayay Liverpool hoggaanka ciyaarta qabatay markii uu laacibka reer Switzerland ee Xherdan Shaqiri uu u dhaliyey laag xor ah oo goolhayuhu tiigsan kari waayey kubadda, waxaana u labeeyey Takumi Minamino ka hor intii aanu da’yarka Curtis Jones ku darin laba gool oo degdeg ah.

Bilowga qaybta dambe ayay Liverpool hoggaanka sii dheeraysatay, waxaana gool shanaad u dhaliyey Takumi Minamino oo ka mid noqday ciyaartoyda ku goolal tirsanayay Lincoln, oo xilli dambe heshay gool ay iskaga maydhay natiijada 0ka, waxaase mar kale ciyaarta ka dhigay 6-1 laacibka khadka dhexe ee Marko Grujic iyo Origi oo mid 7aad ku garay, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 7-2 ay guushu ku raacday Liverpool.

Dhinaca kale, Manchester City ayaa guul ka gaadhay kooxda heerka labaad u degtay ee Bournemouth, oo ay kaga adkaatay 2-1.

Tababare Pep Guardiola oo fursad siiyey ciyaartooyo da’yar ah, isla markaana kuysoo lifaaqay dhawr laacib oo khibrad iyo tayo ku kordhaya ayaa waxa goolka koowaad u dhaliyey Liam Delap qaybtii hore ee ciyaarta, laakiin Bournemouth ayaa iska soo beddelay goolkaas oo barbaraysay daqiiqaddii 2aad, waxaanay qaybta hore kusoo dhamaatay 1-1.

Qaybtii labaad ayay Manchester City la timid gool labaad oo uu u dhaliyey Phil Foden xilli ay ciyaarta ka dhinayd 25 daqiiqadood, waxaanay ugu dambayntii kusoo dhamaatay 2-1 ay Manchester City ugu gudubtay wareegga afraad ee tartanka Carabao Cup.

Kooxda Liverpool ayaa wareega la kulmi doonta kooxda Arsenal xilli ay Man City la ciyaari doonto kooxda Burnley.