Real Madrid Oo iska reebtay Barcelona +SAWIRRO

1544

Kooxda Real Madrid ayaa sii dheeraystay guulaha kulanka El Clasico kadib guushii weynayd ee ay ka gaadheen kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona.

Guul 3/1 ah ayaa Real Madrid ka caawisay in ay gaadho guul kulan ka dhacay Camp Nou iyaga oo ka awood badnaa kooxda Barcelona.

Real Madrid ayaa kulamada El Clasico garaacday kooxda Barcelona 98 kulan iyada oo 2 kulan ka badan kooxda ay xafiiltamaan kuwaas oo badiyay 96 kulan.

Los Blancos ayaa kulamadii ugu dambeeyay ka gacan saraysa kooxda Barcelona iyada oo Barcelona ilowday sida guul looga gaadho Real kulamada dambe.