Liverpool Oo 2-1 kudhufatay Sheffield United +SAWIRRO

1439

Liverpool ayaa guul soo laabasho ah ka gaadhay Sheffield United oo ay isku haleeleen garoonka Anfield, taas oo Reds ay ugu soo laabatay jidka guusha.

Sheffield United ayaa gool rikoodhe ahaa kala hormartay Liverpool daqiiqaddii 13aad ee ciyaarta kaddib markii uu Fabinho qalad ku galay McBurnie oo lugaha kula jiray xerada ganaaxa, waxaana gool u sarrifay rikoodhahan Sander Berge.

Liverpool ayaa dhamaadka qaybta hore la timid goolka barbarraha, waxaana kubbad uu meel fog kasoo tuuray Jordan Henderson madax ku qabtay Sadio Mane oo ku qasbay goolhaye Aaron Ramsdale inuu sameeyo badbaadin uu kubadda xajisan kari waayey, waxaana kubadda oo soo boodday ku celiyey Roberto Firmino oo goolka oo madhan dhaliyey.

Qaybtii dambe ayay Liverpool dhashatay gool labaad oo uu u dhaliyey Mohamed Salah, laakiin dabbaal-deg kaddib waxa laacibkan lagu qaaday inuu offside ku jiray ka hor intii aanu goolka dhalin.
Saxeexa cusub ee Reds ee Diogo Jota ayaa kooxdiisa hoggaanka u dhiibay laba daqiiqadood kaddib goolka Salah laga diiday, waxaana uu madax ku qabtay kubbad uu dhinaca bidix kasoo jabiyey Sadio Mane oo lugtiisa bidix adeegsaday, halkaas ayaanay Liverpool ka bilowday dabbaal-degga ay niyadda ku gashadeen inay jidka guusha kusoo laabteen.