“Waxan Ku Arki Doonaa Sabtida, Jose”:-Koox Premier League Ah Oo Ku Digatay Tababaraha Cusub Ee Tottenham Ka Hor Kulankiisa Ugu Horeeya Ee Premier League Uu Hogaamin Doono Spurs

1622

Kooxda West Ham ayaa ku digatay tababaraha cusub ee kooxda Tottenham ee Jose Mourinho ka hor kulankooda Sabtida ee horyaalka premier League.

Jose Mourinho ayaa tababare u noqday kooxda Tottenham kadib markii ay Spurs shaqada ka caydhisay tababare Mauricio Pochettino isaga oo kulankiisa ugu horeeya ku bilaaban doona garoonka London Staduim sabtida.

West Ham ayayna wakhti dheer ku qaadan in ay Jose Mourinho xasuusiso fashilkiisii hore iyaga oo baraha bulshada ugu digtay tababaraha reer Portugal.

Kooxda ayaa bogeeda Twiiter-ka ku soo qortay “Waxa Aan ku arki Doonaa Sabtida, Jose” iyaga oo sii raaciyay muuqaalka guushii ay West Ham ka badisay Man United xilli ciyaareedkii hore markii uu tababaruhu hogaaminayay Red Devils”.

Si kasta ha ahaatee kooxda ayaa isla markiiba ka qaaday qoraanlkaas barteeda Bulshada iyaga oo ka masasaxay kadib dhaleecayn ay kala kulmeen baraha bulshada.

Waxa ay indhaha adduunka kubada cagta oo dhan haatan hayn doonaan kulanka uu Jose Mourinho hogaamin doono Tottenham kana hor tagi doono kooxda ay ku xafiiltamaan London.