Xog Soo Dustay : Xiddiga Ku Guuleystay Abaal Marinta Kubadda Dahabka Ee 2019-ka Oo La Ogaaday.

2770

Ilo wareedyo soo dusay ayaa daboolka ka qaadaya xiddiga uu yahay midka ku guuleystay abaal marimnta kubadda dahabka ee sanadka 2019-ka ee ay bixiso majaladda France Football .

Baraha bulshada ayaa lagu baahiyay xogtaas waxaana muuqaneysa in Ronaldo uu yahay xiddiga ku guuleystay abaal marintaas oo lagu dhawaaqayo labada bisha December .

Sida sawir la baahiyay muujinayo Ronaldo ayaa helay codad gaaraya 578 waxaana booska labaad ku jira daafaca Liverpool ee Van Dijk kaasi oo helay 570 xilli Messi uu helay isna 499 cod .

Sida xogtas soo dustay ay muujineyso , Sadio Mane ayaa isna galay booska afaraad isaga oo helay 322 cod halka saaxibkiisa Liveprool ee Mohamed Salah uu ku sii xigo waxa uuna helay 207 cod .

Xiddiga Man City ee Bernando Silva ayaa galay booska lixaad waxa uuna helay 199 cod halka goolhayaha Liverpool ee Allison uu helay 163 cod

Raheem oo isna City ah ayaa helay 127 cod iyo booska 8-aad waxaa ku xiga Son oo Tottenham iyo De Jong oo Barcelona kuwaasi oo helay min 29 cod