Angel Gomes Oo Doonaya In Uu Ku Biiro Chelsea

1745

Xiddiga da’yarka ah ee kooxda Man United ee Angel Gomes ayaa ka fiirsanaya in uu isaga tago kooxda Man United waliba si xor ah kuna biiro kooxda Chelsea sabab la xidhiidha xiisaha ay Man United u qabto xididga da’yarka ah ee kooxda Birmingham Jude Bellingham.

Gomes ayaa noqon doona xiddig xor ah 1 bisha July waxana jira kooxo badna oo premier League oo doonaya saxiixisa oo ay ugu horayso kooxda Chelsea.

Inkasta oo uu kulankiisii ugu horeeyay saftay bishii May 2017 xiddiga 19 jirka ah ayaa kaliya kooxda 1-aad ee Man United u ciyaaray 10 kulan oo uu ka mid yahay 6 kulan oo xilli ciyaareedkan ah.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in Gomes uu ka wal-walsanyahay xiisaha Man United u qabto xiddiga Jude Bellingham maadama ay isku koox boos ka ciyaaraan.

Sidaas darteed Gomes ayaa doonaya in uu isgaa tago man United kuna biiro kooxda Chelsea xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.