Liverpool Oo Wadahadalo Kula jirta PSG Si Ay U Helaan Kylian Mbappe

314

Kooxda Liverpool aya wadahadalo lama filaan ah la leh kooxda PSG iyaga oo qaab amaah ah ku doonaya saxiixa xiddiga Kylian Mbappe.

PSG ayaa ka xanaaqsan diidista Mbappe ee horyalaka sucuudiga kadib markii ay dalab waali ah u soo bandhigeen si ay uga iibiyaan xiddiga xagaagan.

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay hal sano oo amaah ah u doo bandhigayso Mbappe si ay u helaan saxiixa xiddiga reer France.

Mbappe oo 24 jir ah ayaa si weyn loo filaya in uu xagaaga ku biiro kooxda Real Madrid marka uu dhoco heshiiskiisa kooxda PSG oo dhacaya xagaaga dambe.

Mbappe ayaa taageere weyn u ah tababaraha Liverpool ee Klopp waxana uu marar badna amaanay kooxda ku ciyaarta Anfield.

Sida laga soo xigtay Telegraph, Liverpool ayaa Mbappe doonaysa in ay ka saxiixato hal sano oo amaah ah iyaga oo u ogolaan doona in uu qaab xor ah ugu biiro Real Madrid xagaaga dambe.