Saraakiil u xiran qarixii kulliyadda Jaalle Siyaad

200

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Soomaaliya ayaa maanta guddi ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya u sheegtay in la xiray oo wali su’aallo la weydiinayo 14 qof oo ay ku jiraan saraakiil kuwasi oo loo haysto qaraxii ka dhacay kuliyadda Jaalle Siyaad ee ay ku dhinteen ku dhawaad 30 akari oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhiga iyo kuxigeenkiisa ayaa su’aallo laga weydiiyay qaraxaasi, waxaana mid ka mid ah xildhibaannada guddigaasi uu dhaliilay wasiirka gaashaandhigga oo uu ku eedeeyay in uu gabay howsha loo igmaday.