DAAWO:-Liverpool Oo garaacday Atletico Madrid +SAWIRRO

1258

Liverpool ayaa guul 3/2 ka gaartay Atletico Madrid xill Salah kulankaan uu wacdaro dhigay waliba uu isku qoray taariikhda kooxda macalin Klopp

Sheekada ciyaarta : Ka dib ciyaar xaraarad laheyd , Atletico Madrid iyo Liverpool ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac min laba gool ah xilli kooxda Klopp ay ku horeeysay goolasha .

Liverpool biloowgii cadaadis xooggan ayay saareen Atltico kuwaasi oo raadinayay jawi ciyaarta kula qabsadaan balse waxaa ka naxsaday Salah oo xiddigo kooxdaas reer Spain ah farsameeyay waxaase ku sii.  xigay oo isna gool dharbaaxo ah ku sii garaacay  Keita  xilli goolasha yimaadeen daqiiqadihii 8-aad iyo 13-aad

Atletico wel wel kama aysan qaadin goolashaas , kubadana waa ay gaarsiinayeen goosha Liverpool balse waxaa laf dhuun gashay ku ahaa goolhayaha kaasi oo bad baadi sameeynayay

Liverpool labada goolba waxaa ka muuqday qalad dhanka daafaca ah waxaana daqiiqadihii 20-aad iyo 34-aad laba gool ka dhaliyay A. Griezmann.

Liverpool waxa ay kubad haysashadooda mararka qaar kor u dhaafeysay %63 , waxaana labada koox qeybta labaad laga filan karay goolal dheeraad ah ‘

Soo laabashadii Liverpool wax aay horay u soo giliyeen Fabinho oo loo saaray  Keita waxaana Atlletico isla biloowgii gool u diiday  goolhayaha Livrpool oo si weyn u foojignaa .

Nasiib darro, Atletico waxaa kaarka casaanka tooska ah ka qaatay A. Griezmann ka dib markii si qaldan kubadda lugta ula aaday  taasi oo keentay in madaxa  uu jug ka gaarsiiyo Firminhi waxa ayna aheyd daqiiqadii 52-aad .

Biloowga qeybta labaad , ciyaarta ma aheyn sidii qaabkii hore  waxa uuna Klop soo giliyay Jota iyo e-Chamberlain oo loo saaray Mane iyo Milner waxa ayna aheyd daqiiqadii 63-aad

Atletico mararka qaar isku dayo ayay sameynayeen balse ma aheyn kuwo dhameytir leh xilli kooxda Liverpool a kubadda kaga badnaayeen Atletico ka dib kaarki casaankii
Liverpool iyaga ayaa u dhawaa gool ilaa loo dhigay rigoore waxaana daqiiqadii 77 gool u turjumay Mohamed Salah kaasi oo uu ahaa goolkii labaad ee kulankaas  waxa ayna kubad hayshada kooxda Klopp gaareysay %64 waxa ayan Atletico sameeyen afar badal waxaan xiddigaha soo galay ku jiray Suarez waxa ayna dhacday daqiiqadii 80-aad Atletico daiiqadii 81-aad rigoore ayaa laag diiday ka dib markii VAR lagu laabtay , mana jirin dhamaadkii wax laga qoro oo Liverpool iyaga ayaa maamulay ciyaarta , waxa ayan Atletico dhamaadkii isku dayeen goolka bar bar dhaca balse uma suura galin waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay 3/2 oo ay Liverpool guusha ku raacday.