Tartanka Gool Dhalinta Premier League Oo Sii Xoogaysanaya

1631

Waxa la ciyaaray todobaadkii 7-aad ee horyaalka Premier League iyada oo la dhaliyay goolal badan xiddigo kala duwana u tartamayaan gool dhalinta xilli ciyaareedkan.

Xiddigaha Son Heung-min & Dominic Calvert-Lewin ayaa wali hogaaminaya gool dhalinta horyaalka premier League xilli ciyaareedkan iyaga oo dhaliyay min 8 gool ilaa haatan.

Laakiin xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa xawaare ku socda isaga oo dhaliyay goolkiisii 7-aad ee horyaalka premier league.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Tartanka Gool dhalinta horyaalka premier League xilli ciyaareedkan

1-Son Heung-min, Tottenham – 8 gool
2-Dominic Calvert-Lewin, Everton – 8 gool
3-Mohamed Salah, Liverpool – 7 gool
4-Callum Wilson, Newcastle – 6 gool
5-Patrick Bamford, Leeds – 6 gool
6-Jamie Vardy, Leicester City – 6 gool
7-Harry Kane, Tottenham – 6 gool
8-Danny Ings, Southampton – 5 gool
9-Wilfried Zaha, Crystal Palace – 5 gool