Man City Iyo Liverpool Oo Ku Hishiiyay Bar-bar Dhac+SAWIRRO

1603

Ka dib ciyaar fursado badan lagu qasaariyay , Man City iyo Liveprool ayaa ku hishiiyay bar bar dhac min hal gool ah xilli Ciy ay iska qasaariyeen rigoore.

Sheekada qeybta hore : Man City iyo Liverpool ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac min hal gool waxa uuna kulankaan ka tirsanaa wareegga 8-aad ee horyaalka Ingiriiska xilli qeybtaas hore ay City iska qasaariyeen rigoore waxaana sidaas sameeyay De Bryune

Labada koox ayaa soo bandhigay ciyaar adag oo deg degsiimo leh xilli Liverpool biloowgii ay City ku qasbeen in si sax aysan ugu soo dhaqaaqin afka hore goolkana iyaga ayaa ku horeeyay ka dib rigoore uu dhaliyay Salah daqiiqadii 13-aad.

City waxa ay qeybtaas hore ka sheegteen fursado badan oo ay qasaariyeen waxa ayna ka dib goolkaas aad ugu wacnaayeen dhanka weerarka .

Liverpool waxaa looga wacnaa isku balaarinta garoonka xilli De Bruyne uu ciyaarayay kubad xor ah oo ilalao saxan laagma hayin waxa uuna ka shaqeeyay goolka bar bar dhaca kaasi oo uu daqiiqadii 31-aad dhaliyay Jesus.

Liverpool dhankiooda fursado xaqiiq ayaa laga bad baadiyay waxa uuna De Bruyne kooxdiisa ka qasaariyay rigoore uu laaday daqiiqadii

Qeybta labadaad, labada koox waxa ay soo bandhigeen ciyaar deg degsiimo leh waana la filan karay goolal dheeraad oo labada koox ka yimaada xilli ciyaarta aheyd mid u furan labada koox waxana City fursad dahabi ah daqiiqadii 55-aad ka qasaariyay Jesus.

Liverpool ayaa badalka ku horeeysay waxa ayna daqiiqadii 59-aad soo giliyeen Shaqiri oo lo saaray Firminho , halka City soo giliyeen Bernando silva oo loo saaray Torres waxana xigay badla kale oo ay Liveprool daqiqiaidi 63-aa ku soo giliyeen Milner oo lo saaray Arnlond .

Liverpool waa ay ku wacnaayeen kubad hayashada balse halis gilin muuqata ma jirrin xilli labad koox daafac ahaan ay foojignaayeen inkastoo Liverpool dal daloolo dhanka daafaca ah laga dareemayay .

City ayaa si fog ugu dhawaaneysay aagga goosha kooxda Liverpool balse si sax ah ugama aysan faa`ideysaneyn arintaas , waxaana dhamaakii kubadda maamulkeeda ku sareeyya Man City waxaana is hor taagay goolhayaha Liveprool oo u diiday goolka guusha , waxaana lagu dhameystay min hal gool.