Dowlada Itoobiya ayaa caydhisay safiirkii dowlada koonfurta suudaan u fadhiyay magaalada adis ababa sida ay xaqiiyeen diblomaasiyiinta koonfur sudaan oo la hadlay wargayska sudans post oo ka soo baxa dalkaasi
sidoo kale dowlada itoobiya ayaa u yeedhatay safiirkeeda dalkaasi ee ku sugan magaalada juba Ee caasimada koonfurta suudaan Diblomaasiyiinta Ayaa Intaasi ku daray in ay itoobiya Gabi ahaanba xidhiidhka u jartay Dowlada koonfur Sudan
Warar ay sheegeen diblomaasiyiinta koonfurta sudaan ayaa sheegay in sobobta ay itoobiyo u eriday safiirka dalkaasi ay tahay in la ogaaday in hogaamiyihii TPLF uu ku sugan yahay Magaalada Juba ee caasimada dalka Koonfurta Sudan Iyada oo aan la Xaqiijin Sida Uu ku tegay halkaasi
Sidoo kale waxaa soo baxay warar sheegay in looga shikisanyahay in hogaamiyaha tigraygu tegay dalka jabuuti loona diray madaxwaynaha dalka itoobiya oo ku sugan isla dalkaasi jabuuti.