DAAWO:-Mahdi Guleed Guriga cad in Farmaajo laga saaro waxaa ka horeysa in la fuliyo wixii aan ku heshiinay

1831

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ka hadlay shirka madasha aragti wadaagga ee Machadka Heritage ee Garoowe ka furmay ayaa u mahad celiyay shacabka iyo Madaxda Dowlad Goboleedka Puntland sida diiran ee loo soo dhoweeyey, isagoo dhinaca kale ka hadlay saddex qodob oo kala ah Dastuurka, Federaalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Mahdi Max’ed Guuleed ayaa xusay in Dastuurka KMG ah uu yahay hagidda aasaasiga iyo jiritaanka sharciga, isla markaana uu yahay heshiis wax wada ogol ku saleysan.

Mar uu ka hadlayay arimaha Federaalka waxa uu tilmaamay in nidaamka federaalka ee Soomaaliya ay qaadatay uu yahay mid ku saleysan shanta Maamul Goboleed, caasimadda iyo sidii Somaliland loogu soo dabaali lahaa hannaanka dowladnimada Soomalaiya.

Arrimaha doorashooyinka oo uu ka hadlay ayuu Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka tilmaamay in dowladda ay diyaar u tahay dhaqan gelinta hannaanka doorashooyinka dalka.

“Golaha shacabka Miisaaniyadii uu maalmo ka hor ansixiyey ayey ku jirtay tan doorashada, taasina waxay astaan u tahay in DF ay diyaar u tahay qabashada doorashada waqtigeeda ku dhacda” ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Somalia Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka hadlay sida ay muhiim u tahay in loo fuliyo heshiiskii doorashooyinka ee ay Muqdisho ku kala saxiixdeen madaxda DF iyo kuwa dowlad goboleedyada.