Man City Oo Markii 3-aad United Ku Reebtay Semifinalka EFL Cup +SAWIRRO

1808

Man City ayaa iska xaadirisay finalka EFL CUP waxa ayna laba gool uga talaabsadeen United , waxa ayna sidaas finalka isku arkayaan Tottenham .

Waa markii 9-aad ee City tagayaan finalka EFL CUP sidoo kale waa markii sedexaad ee City kooxdaan United ku reebayaan semifinalka EFL CUP iyadoo isla tababare Pep uu hogaaminayo.

Sheekada Ciyaarta :Labada koox waxa ay soo bandhigeen qeybta hore ciyaar dar dar leh kaliyana waxaa ka maqneyd in ay goolal iska dhaliyaan.
United iyo City wax aya abuurayeen kubado keeni kara in shabaqa midkood booqdaan xilli kubadda aheyd mid u furaneyd labada koox .

Kubad deg degsiimo leh ayay ciyaarayeen xilli dhanka kale labada goolhaye ay ahaayeen kuwo foojigan , waxa ayna ciyaarta aheyd mid laga filan karo goolal qeybta labaad ee ciyaarta .

Qeybta labaad , City ayaa dar dar badneyd waliba waxa ay United ku dilayeen boosaska oo ay u bad badalanayeen ciyaartooy ay ka mid yihiin Riyad iyo De Bryune .

City daafac ahaan aad ayay wacnaayeen oo kulamadaa United kubad la soo baxsadaan waa ay kala jarayeen xilli gool qurxoon ay ku heleen wiilasha Ole Guner daqiiqaddii 50-aad waxaana saxiixay John Stones xilli ka dib goolhayaha United uu City ka bad baadiyay kubado xaqiiq ahaa .

United , kubadda waa ay dhisayeen balse meel ay kubadda si sax ah u marsiiyaan ayaa laga xertay xilli kooxdas Pep ay daafac ahaan ay u foojignaayeen waliba si sahal ah ayay u kala jarayeen kubadaha United .

United ayaa badalka ku horeysay waxa ayna daqiiqadii 75-aad soo giliyeen Greenwood oo loo saaray McTominay halja City dhankooda daqiiqadii 79-aad ay soo giliyeen Rodri oo loo saaray Riyad Mahrez

City kulamaa shabaqa United u dhawaadaan halis ayay ahaayeen illaa ay ku keeneen gool labaad waxaana meel fog ka toogtay daqiiqadii 83-aad Fernandinho

Si waliba United isku dayo u sameeyaan , waa loo diiday gool waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay labadaas gool ee ay City finalka ku tagtay.