Manchester City oo markii ugu horaysay ku guuleysatay koobka Champions League+SAWIRRO

211

Kooxda Man City ayaa markii ugu horaysay ku guulaystay champions League kadib markii ay garaaceen kooxda Inter Milan xiiso lahaa.

Kulanka ayaa ahaa mid adag oo ay labada kooxood si adag u ciyaareen iyada oo ay wax walba u dagaalamaysay sidii ay koobka gacanta ugu dhigi lahaayeen.

Labada kooxood ayaa sameeyay fursado aan kala joogsi lahayn iyaga oo helay fursado ay goolal ku dhalin kareen.

Kooxda Man City ahayd ayaa kooxda maamulaysa ciyaarta xilli ay Inter Milan dhinaceeda heshay fursado cajiib ah oo ay ku tijaabisay Goolhayaha Inter Milan.

Qaybta hore ayay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro gool la’aan ah xilli ay koox walba doonaysay in ay ku hor marto goolka ciyaarta.

Labada kooxood ayaa qaybtii dambe sii waday dadaalka iyo fursadaha ay ku doonayeen in ay goolal ku dhaliyaan.

Inter ayaa difaac adag u dhigtay Man City kuwaas oo joojiyay fursadaha Man City xilli ay dhinacooda samaynyeen fursado fiican.

Daqiiqadii 68-aad ayay Man City dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Rodri kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.

Koooxda Inter Milan ayaa bilowday sidii ay u dhalin lahayd goolka bar-baraha waxana ay smaeeyeen fursado aan kala joogsi lahayn iyaga oo raadinayay bar-baraha.

Kooxda Man City ayaa isku badashay in ay daafac gasho waxana ay ilaashanaysay goolka ay hogaaminayaan ciyaarta xili ay Inter Milan wada weerar gashay.

Wxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man City ku guulaystay champions League markii ugu horaysay ee taariikhdooda sidoo kale dhamaystireen saddexley taariikhi ah.