DAAWO:-Weeraray hotel Pearl Beach oo lasoo afjaray

212

Ciidamada ammaankanee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Haramcad ayaa ugu dambeyn saaka soo afjaray weerarkii tooska ahaa ee ay Al-Shabaab xalay ku qaadeen nawaaxiga xeebta Liido, kaas oo sababay khasaare xoogleh.

Ugu yaraan labo qarax ayaa ka dhacday hotelka la weeraray oo la oran jray Ocean View, balse hadda lagu magacaabo Pearl Beach, kaas oo ay galeen rag ka tirsan Al-Shabaab.

Warbaahinta dowladda ayaa tebisay in ciidanka amniga ay gudaha u galeen Hotelka, isla markaana ay soo badbaadiyeen dad badan oo shacab ah oo hotelka ku sugnaa, waxaana dadka laga bixiyey albaab dambe oo dhanka xeebta xiga.

Badbaadinta dadka kadib waxaa bilowday howlgal ballaaran oo ay ciidanka amniga ku soo afjareemn kooxdii weerartay Hotelka, waxaana la baahiyay sawirrada ciidanka Haramcad oo ka dagaalamaya gudaha Hotelka.

Ciidanka Haramcad ayaa dhamaan toogasho ku dilay 5 kamid ah ragga weerarka ku galay hoteelka, kuwaas meydadkooda goobta lagu soo bandhigay, halka kuwa kalena oo watay jaakadaha qaraxyada ay isku qarxiyeen afaafka hore ee dhismaha hoteelka la weeraray.

“Ciidamada ammaanka ayaa soo afjaray maleeshiyaadkii Khawaarijta ee weerarka argagixiso ee naf la caariga ahaa ku soo qaaday hotelka Pearl Beach ee xeebta Liido ee magaalada Muqdisho. Ciidamada ammaanku waxa ay toogteen Khawaarijtii weerarka soo qaaday” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ay sii baahisay warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in weerarkan ay ku dhinteen in ka badan 10 qof oo isugu jiro askar, shacab iyo ragga weerarka qaaday, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Xeebta Liido ayaa ah meel habeenada Jimcaha aad u mashquul badan, oo ay tagaan dhallinyarada ku nool caasimadda Muqdisho, waxaana la arkayey kumanaan qof oo markii uu weerarku bilowday ka cararaya xeebta iyo hoteellada ku yaalla.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, balse waxaa raadka weerarkan si weyn looga dareemayaa xeebta Liido, maadaama uu dhaliyay burbur xoogan.

Si kastaba, weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli maalmihii u dambeeyay xaaladda ammaan ee Muqdisho ay aheyd mid deggan, waxaana howlgallo ka waday ciidamada Booliska iyo kuwa Boolis Milataaro ee lagu soo tababaray magaalada Kampala ee caasimada Uganda.