DAAWO:-Kismaayo: Nin hooyadii gowracay oo laqabtay

195

Ciidamada amniga ee magaalada Kismaayo ee Jubbaland, ayaa gacanta kusoo dhigay nin shacab ah oo maanta hooyadiis ku dilay, isagoo adeegsanayay Mindi, xaafadda Farjanno ee Kismaayo.

 

Hooyadan oo lagu lagu magacaabo Xaliimo Xasan Cumar ayaa ku geeriyootay isbitaalka Kismaayo, halkaas oo dhaawac ahaan loo geeyay.

Dadka deriska ayaa la sheegay inay kusoo baxeen dhacdadan, kaddib markii ay maqleen qeylada hooyada, waxayna islamarkiiba ka badbaadiyeen hooyada oo dhaawac ah, iyagoo ula cararay isbitaalka, halkaas oo ay waxyar kaddib ku geeriyootay.

Xasan Cabdullaahi Cabdi Shire, oo 37 jir ah ayuu booliisku sheegay in dhawaan hooyadiis ay ka keentay Qurbaha, si loogu sameeyo dhaqan celin.

Booliiska ayaa falkaan ku tilmaamay mid fool xun oo aan nuuciisa horey uga dhicin Kismaayo. Waxayna sheegeen in gacan ku dhiig laha la horkeeni doono sharciga.

“Gacan ku dhiigle hooyadii bireeyay oo gurigii ay wada degenaayeen inta hoosta kasoo xirtay ku dhex bireeyay, waxaa nagusoo war galiyay Shacabka, inaan soo qabano ninkan,” ayuu yiri sarkaal katirsan ciidanka booliiska.

Dhacdadan ayaa aad looga hadayaa magaalada Kismaayo.