Guddoomiyihii Golaha Wakiilada Somaliland oo is casilay

244

Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ahaa Guddoomiyihii Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkaasi.

Cabdirisaaq oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta dawladda hoose ee Laascaanood ayaa kaga dhawaaqay is-casilaaddiisa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland.

“Waxaan iska casilay xilkii guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, xubinimadii golaha iyo xisbigii Waddani ee aan ka tirsanaa,” ayuu yiri Cabdirisaaq Khaliif Gudoomiyihii Golaha Wakiillada Somaliland.

Sidoo kale waxa uu iska casilay xisbiga mucaaradka ee Waddani oo ka tirsanaa, taasi oo ka dhigan inuu gebi ahaanba ka baxay siyaasadda Somaliland, sida ay hore u sameeyeen siyaasiyiin ku deegaan ah.

Cabdirisaaq Khaliif oo si weyn u kala fogaadeen Somaliland kadib dagaalka dhowrka bilood ka socda Laascaanood ayaa tallaabadan qaaday kadib xukuumadda Somaliland ay ka gudbisay dacwd ay ku dalbaneyso in la laalo xubinnimadiisa Golaha Wakiillada.

Somaliland ayaa Cabdirisaaq Khaliif ku eedeeysay inuu jabiyey dastuurka Somaliland, waxayna muddooyinkii dambe ku howlneyd sidii ay xilka uu maanta iska casilay uga qaadi laheyd.
Mudane Khaliif ayaa hore si adag uga horyimid duullaanka Muuse Biixi ku soo qaaday SSC-Khaatumo, gaar ahaanna shacabka Laascaanood, isaga oo ugu dambeyntiina la dareen noqday dadka deegaankiisa, oo dagaal kula jira Somaliland.