Athletic Bilbao Oo qaadatay Spanish Super Cup kadib markii Garaacday Barcelona+SAWIRR

1586

Kooxda Athletic Bilbao ayaa markii 3-aad ee taariikhdeeda ku guulaystay koobka Spanish Super Cup kadib guul ay ka gaadheen kooxda Barcelona Final-ka tartanka.

Qaybta Hore:

Kulanka ayaa ahaa mid adag oo ay labada kooxood soo bandhigeen qaab ciyaareed isku dheeli tiran koox walbana doonaysay sidii ay koobka gacanta ugu dhigi lahayd.

Dhanka Fursadaha kooxda Barcelona ayaan helin fursado badan oo goolka hortiisa ah halka ay Athletic Bilbao ahayd kooxda ku fiican dhinacaas.

Kooxda Athletic Bilbao ayaa ciyaaraysay weeraro rogaal celis ah oo halis galiyay kooxda Barcelona waliba Goolhayaha Barcelona ku qasbay samaynta badbaadino cajiib ah.

Labada kooxood ayaa sameeyay isku dayo ay mid walba ku doonayso in ay dhankooda hogaanka ugu qabtaan ciyaarta.

Daqiiqadii 40-aad ayay kooxda Barcelona dhalisay goolka 1-aad kadib markii uu xiddiga Antoine Griezmann dhaliyay goolka hogaanka ee Barcelona.

Laakiin Xilli ayna Taageerayaasha Barcelona wali si fiican ugu dabaal dagin ayay Athletic Bilbao Dhalisay goolka bar-baraha kadib markii uu xiddiga Oscar de Marcos dhaliyay goolka kooxdiisa isaga oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay labada kooxoodba soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah oo ay ku doonayeen in ay hogaanka ciyaarta ugu qabtaan.

Qaybta Dambe:

Kooxda Athletic Bilbao Ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay qaybtii dambe iyaga oo doonayay in ay Barcelona kaga naxsadaan gool kale.

Daqiiqadii 57-aad ayay dhalisay Athletic Bilbao goolka waxana madax ugu dhaliyay xiddiga Raul Garcia laakiin Goolkaas ayaa la diiday sabab la xidhiidha Offside.

Labada kooxood ayaa sii waday dadaalka ay mid walba ku doonaysay in ay ciyaarta mar kale hogaanka ugu qabtaan ciyaarta.

Daqiiqadii 77-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Antoine Griezmann kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

KooxdaAthletic Bilbao ayaan is dhiibin waxana ay sii wadeen dadaalka ay ku doonayeen in ay ku soo laabtaan kuna dhaliyaan goolka bar-baraha.

Daqiqiadii 89-aad ahayd-na daqiiqadii ugu dambaysay ayay Athletic Bilbao Dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Asier Villalibre kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2.

Waxa ciyaarta lagu daray 30 daqiiqo si loogu kala boxo kadib markii ay labada kooxood 90-kii daqiiqo bar-baro ku kala bexeen.

Daqiiqadii 94-aad ayay kooxda Athletic Bilbao dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga weerarka uga ciyaara ee Inaki Williams kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/2.

Xilli ay Barcelona raadinaysay goolka bar-baraha ayuu xaalku ku sii xumaaday kadib markii kaadhka cas ee toos ah loo taagay kabtankooda Lionel Messi.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Athletic Bilbao garaacday Barcelona kuna guulaystay koobka Spanish Super Cup markii 2-aad ee taariikhdooda.