Mudada Uu Paul Pogba Garoomada Ka Maqnaan doono oo lashaaciyay

1383

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United Paul Pogba ayaa dhaawac uga baxay kulankii ay Man United bar-baraha la gashay kooxda Everton.

Paul Pogba ayaa dhaawac uga baxay kulanka daqiiqadii 39-aad kadib markii uu dhaawac muruqa ah soo gaadhay kadib markii uu kubad baas ah dhiibay.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa ciyaarta kadib sheegay in uu dhaawac muruqa ah soo gaadhay xiddiga khadka dhexe waliba baadhitaan lagu samayn doono.

Wargayska Manchester Evening News ayaa sheegaya in ay soo bexeen warar hordhac ah oo ku saabsan xaalada dhaawac ee xiddiga khadka dhexe.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu xiddigu garoomada ka maqnaan doono muddo 4 todobaad ah kadib dhaawac muruqa ah oo soo gaadhay.

Hadii uu warkan mid run ah noqdo xiddiga khadka dhexe ayaa kooxda Man United ka maqnaan doona ugu yaraan 8 kulan oo ay ka mid yihiin Kulamada ay Man United la ciyaari doonto Chelsea iyo Man City sidoo kale ku jiraan laba kulan oo tartanka Europa League ah.