Man City Oo 18 Sano Ka Dib Anfiled Ku Garaacday Liveprool +SAWIRRO

1862

Ka dib qaladaad ka dhacay ciyaartooyda Liverpool waxa ay garoonka kaga baxeen guul darro xanuun badan oo ay kala kulmeen City kuwaasi oo ku garaacay 4 gool iyo hal

Man City iyo Liverpool ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac bilaa goolal ah xilli kooxda Pep ay qeybtaas hore iska qasaariyeen fursad weyn ka dib markii Gundogan rigoore uu laaday uu haweda marsiiyay daqiiqaddii 37-aad

Biloowgii , City iyaga ayaa kubadda ku badnaa balse ma jrrin xal ay ay aagga goosha Liverpool ku tagaan maadaama kooxda Klopp daafca ahaan ay aad u wacnaayeen waxa ayna sameynayeen ciyaar aan dal daloolo laheyn.

Ka dib biloowgaas wacnaa , City dib ayay u guranayeen xilli Liveprool fursad ahaan ay wacnaayeen mid birta kaga dhacday iyo kuwo laga ba dbaadiyay ay jireen .

City qeybihii dhexe iyo dhamaadka kubadooda durba waa la soo jarayay oo waa ay adkeyd in afka hore Liveprool si sahal ahku booqdeen waxa ayna kubadda Liverpool ka imaaneysay garbaha.

Guud ahaan labada macalin waxaa ka muuqday taxadar iyo in aan aad la isku dhiirran balse hanaanka ciyaarta is abdel aya laga filan karay qeybta labaad .

Qeybta labaad si deggan ayay ku bilaabatay balse City fursadii ugu wamnaagsaneyd ee ay heleen ayay gool u turjumen ka dib kubad lagu laad-laaday goosha Liverpool waxaa ugu dambeyn dhaliyay Gundogan daqiiqadii 49-aad .

Ka dib goolkaas , City kubadda waa ay dajiyeen balse halis gllin ma jirin xilli Liverpool iyana isku dayo ayay sameynayeen mana aheyn kuwo is dhiibay waana laga filan karay goolka bar bar dhaca .

Liverpool waa ay ku dhiiranayeen in kubadda gaarsiiyaan aagga City illaa Salah uu Diaz ku qasbay in uu ku qaldamo waxana loo dhigay rigoore uu isla Salah u turjumay gool daqiiqadii 63-aad

City waxaa baxsad ahaa Foden waxaana Pep kooxdiisa daqiiqadii 70-aad laga diiday gool sababo la xariira ‘Offiside xilli Klopp badalkii ugu horeeyay uu sameeyay daqiiqadii 68-aad waxa uuna waqtigaas uu soo giliyay Xherdan Shaqiri iyo James Milner halka City iyana ay sameeyeen daqiiqaddii 72-aad waxa ayna soo giliyeen Gabriel Jesus.

Liverpool qeybta labaad waxa ay u muuqdeen kuwo aan dar dar laheyn , waxaana ka dhacayay qaladaad dhanaka baasaska kaasi oo ku keenay gool labaad waxaana daqiiqadii 73-aad la dhaliyay Ilkay Gundogan ka dib waxaa sii racaay gool sedexaad oo xalaka ciyaarta badalay ka dib qalad baas ah oo uu sameeyay goolhayaha Liverpool waxdaan ku raxaeystay Raheem daqiiqadii 76-aad .

Ka dib dhacadaas , Liverpool waddo ayay noqdeen waxaana dhibaateeyya Foden oo qeybta labaad sii laba jibaaray dadaalkiisa waxa uuna u sii raaciyay gool 4-aad oo gantaal ahaa daqiiqadii 83-aad waxaana muuqatay dhibaato aan qarsooneyn oo daafac ah

Si waliba , City waxa ay ciyaarta ku dhameeyeen 4/1 oo ay ku sii dheereysteen dhibacaha ay ay ka sareeyaan Liverpool.