PSG Oo Garaacday Juventus +SAWIRRO

274

Kooxda Juventus ayaa guuldaradii 5-aad kala kulantay tartanka champions league kulan ka dhacay garoonka Juventus Staduim kulan xiiso lahaa.

Labada kooxood ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah xilli ay Juventus ahayd kooxda fiican isla markaas ayna u qalmin in laga badiyo

PSG ayaa gool wakhti hore dhalisay kadib markii uu xiddiga Kylian Mbappe dhaliyay goolka 1-aad ee kooxdiisa daqiiqadii 13-aad.

Laakiin Juventus ayaa ahayd kooxda fiican iyaga oo wax walba u sameeyay sidii ay u dhalin lahaayeen goolal laakiin nasiibka ayaa u muuqday mid aan caawinayn.

Daqiiqadii 39-aad ayay Juventus dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliy xiddiga Leonardo Bonucci kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1 ay ciyaarta ku soo laabatay Juventus.

Kooxda reer Italy ayaa ahayd kooxda gacan saraysa iyaga oo ka awood badnaa PSG kuwaas oo aan si fiican u ciyaarin.

Juventus ayaa samaysay fursado aan kala joogsi lahayn laakiin waxa ka maqnayd in ay kubada goolka dhex dhigaan.

Qaybta dame ayay Juventus sii waday dadaalka xilli ay PSG ciyaaraysya weeraro rogaal celis ah.

PSG ayaa daqiiqadii 69-aad dhalisay goolka 2-aad waxana u dhalisay xiddiga Nuno Mendes kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay juventus guuldaor kala kulantay kooxda PSG laakiin ka ciyaari doonta tartanka Europa League.