Man City Oo Garaacday Sevilla+SAWIRRO

257

Man City ayaa guul weyn ka gaartay Sevilla ka dib ciyaar shaxdeeda asaasiga wax laga badalay waxa ayna uga talaabsadeen 3/1 xilli Sevilla qeybtii hore aad u wacnaayeen

Sheekada ciyaarta : qeybta hore waxaa City nasiinada loogu diray hal gool oo cajiib ahaa oo uu ka muuqday qalad dhanka daafaca ah.

Pep waxa uu ku soo galay shax qamaar u muuqatay xilli da`yarta kooxda  uu siiyay fursad , waxa ayna qeybta hore ka sheegteen baasas gadaal loo soo cel celiyo waxaana ka maqneyd deg degsiimada .

Qeybta labaad , cadaadis iyo deg degsiimo ayay sameeynayeen wiilasha Pep taasi oo daafac ku aruurisy Sevilla

Gool qurxoon ayay heleen soo laabashadii waxaana  saxiixay Lewis oo akadeemiyada City ka yimid , ka dib goola kale ayay sigeen kaliya nasiibka ayaa ka dhinnaa

Sevilla daafac ayay galeen waana adkeyd in kubadda horay u soo jiidaan waliba qaa saxan .

Sevilla qeybaha dambe waxa ay ku tiirsanaayeen rogaal celiska  waxaana ka muuqday daal iyo in kubadda cagtooda aysan ku daaheyn .

Pep marka uu arkay xaalka , waxa uu qeybta labaad soo giliyay Silva iyo De Bruyne kaasi gool labaad ka shaqeeyay waxaana dhaliyay Alvarez , ka dib City waa ku fiicnaayeen maamulka kubadda waxa ayna heleen gool sedexaad uu dhaliyay Riyad

Qeybta labaad , City ayaa sida ay doonto u maamushay ciyaarta halka Sevilla maqane joogeen noqdeen, waxa ayna Sevilla sidaas uga hareen Champion-ka iyadoo ciyaarta ay ku dhamaatay 3/1