Ciidankii qabanlahaa Ceelbuur oo ladiyaariyay +SAWIRRO

269

Deegaanka Goobo oo kuyaalla duleedka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa lagu diyaariyay ciidamo badan oo katirsan kuwa dowladda iyo kuwa deegaanka oo loogu tala galay in duulaan ku qaadaan degmada Ceelbuur iyo deegaano hoostaga.

Ciidankan ayaa u badan kuwa kasoo jeeda Beesha Murusade, waxaana ciidankan loo diyaariyay in ay horey usii raacaan ciidamo kale oo macawuusley ah oo kasoo jeeda beesha Xawaadle iyo Ceyr.

Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle iyo masuuliyiin kale ay ku jiraan xildhibaano ayaan ciidankan ka sagootiyay deegaanka Goobo, waxa ayna ciidankan kula dardaarmeen in aysan dib usoo laaban ilaa ay ka tagaan Ceelbuur iyo deegaanada hoostaga.

Xildhibaan Maxamed Abuukar Cali Jacfar oo hoggaaminaya ciidankan duullaanka ku ah Ceelbuur iyo deegaanada hoostaga ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in Al Shabaab ka saaraan guud ahaan deegaanada ay kasoo jeedaan.

Waxa uuna Xildhibaanka ciidamada kula dardaarmay in ay noqdaan geesiyaal naftooda u hura xureynta dadkooda iyo deegaankooda, isagoona sheegay in Al Shabaab hadda tabar dhigeen loona baahan yahay in la is raaciyo.

Ciidamada beesha Murusade ee u baxay in ay duullaan ku qaadaan degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri iyo deegaanada hoostaga ayaa muddooyinkan isku aruursanayya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas ay kasii heleen ciidamo kale oo duullaanka u raaca.