Madfac goor dhow ku dhacay gudaha garoonka dayuuradaha Aadan cadde +SAWIRRO

1330

Madfac ayaa goor dhow ku dhacay gudaha garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho xili agagaarka hotelka Jasiira oo ku dhow garoonka uu ka socday dibed ay dhigayeen taageeyaasha mucaaaradka DF.

Ilo wareedyo ku sugan garoonka dayuuradaha Aadan cadde ayaa Wardoon.net u sheegay in madfacaas uu ku habsaday maqaayad laga cunteeyo oo ku taalla gudaha garoonka.

Lama sheegin illaa hadda wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay madfacan, marka laga reebo burbur kooban uu soo gaaray maqaayada sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in madfaca ku dhacay garoonka dayuuradaha uu ahaa gantaalaha garabka laga gano (RBG) oo uu riday askari ku sunaa agagaarka Hotelka jaziira, kaasoo aan la ogeyn cida uu ka amar qaato mucaaradka iyo dowlada.

Dhinaca kale, Duulimaadkii u qorsheysnaa shirkadda dayuuradaha Ethiopian Airlines iney maanta ku timaado magaalada Muqdisho ayaa la baajiyey sababo la xiriira rabshadaha ka socda magaalada sida ay Allbanaadir Online u sheegeen howlwadeeno ka tirsan garoonka Aadan cadde.