Kooxda Juventus ayaa si fool xumo leh uga hadhay taranka champions League kadib guul 3/2 ah oo ay ka gaadhay kooxda Fc Porto kulan xiiso waali ah lahaa oo ka tirsanaa lugta 2-aad ee wareega 16-ka champions League.
Qaybta Hore:
Kulanka ayaa ku bilowday si waali ah iyada oo ay kooxda Juventus raadinaysay in ay ku soo laabato ciyaarta waliba dhaliso goolka ay kooxda Fc Porto dheertay.
Dhanka kale Fc Porto ayaa ciyaaraysay weeraro rogaal celis ah iyaga oo daafac ku jiray inta kale maadama ay iyagu gacanta sare leeyihiin.
Kooxda Fc Porto ayaa daqiiqadii 19-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Sergio Oliviera kaas oo kooxdiisa u dhiibay hogaanka ciyaarta.
Kooxda Juventus oo uu xaalku ku xumaaday ay bilowday in ay raadiso bar-baraha xilli ay taageerayaasheedu bilaabeen in ay wal-walaan.
Kooxda Fc Porto ayaa si waali ah u difaacatay iyaga oo Juventus ka hor istaagay in ay xitaa u dhawaadaan goolkooda.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Fc Porto natiijo ahaan hogaaminayso laakiin Juventus wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolka.
Qaybta dambe:
Kooxda Juventus ayaa u muuqatay in ay qaybta dambe la soo galeen ciyaar cusub iyaga oo bilaabay in ay laba jibaaraan weerarada ay ku qaadayaan kooxda Fc Porto.
Daqiiqadii 49-aad ayay Juventus dhalisay goolkii ay doonaysay waxana u dhaliyay xiddiga Federico Chiesa kaas oo la odhan karo waxa uu ahaa xiddiga garoonka.
Xiddiga Federico Chiesa ayaa ahaa dhibaatada Fc Porto isaga oo difaacyada ku ahaa laf dhuun gashay waliba hogaaminayay weerar walba oo ay Juventus qaadaysay.
Kooxda Fc Porto ayuu xaalku ku xumaa daqiiqadii 54-aad kadib markii kaadhka cas loo taagay xiddiga Mehdi Taremi kaas oo kooxdiisa kaga tagay 10 xiddig.
Kooxda Juventus ayaa sii 3 jibaartay weeraradii ay qaadayeen kadib markii ay Fc Porto noqotay 10 Xiddig waliba 10-kooduba ku jireen difaac.
Daqiiqadii 63-aad ayay Juventus dhalisay goolka 2-aad ahaana midkii ciyaarta ku soo celiyay waxana u dhaliyay xiddiga Federico Chiesa kaas oo sii muujiyay awoodiisa in uu ahaa xiddiga ugu fiican kulanka.
Kooxda Juventus ayaa sii waday weerarada xilli ay kooxda Porto ku jirtay difaacasho aad u xoogan ku doonayeen in ay wakhtiga dheeriga ah ku gaadhaan ciyaarta.
Daqiqiadii 90+1 ayay Juventus dhalisay gool uu u dhaliyay xiddiga Alvaro Morata laakiin goolkaas ayaa la diiday sabab la xidhiidha Offside uu Mortaa ku jiray.
Juventus ayaa daqiiqado yar kadib birta sare ku dhufatay kubad gantaal ah oo uu xiddiga juan Cuardrado ku laagay goolka kooxda Porto.
Labada kooxood ayaa ku kala bixi waayay wakhtigii dabiiciga ahaa ee 90-ka daqiiqo waxana uu garsooruhu go’aamiyay wakhti dheer ah oo ay labada kooxood ku kala baxaan.
Kooxda Fc Porto ayaa ahayd kooxda fiican qaybtii hore ee wakhtiga dheeriga iyaga oo sameeyay fursado cajiib ah oo ay goolal ku dhalin kareen.
Daqiiqadii 114-aad ayay Kooxda Fc Porto Dhalisay gool gantaal ah oo ka dhashay laad xor ah iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Sergio Oliviera kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2.
Laakiin Kooxda Juventus ayaa daqiiqadii 116-aadba dhaliyay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Adrien Rabiot kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/2 ay Juventus ku hogaaminayso kulanka.
Laakiin Juventus ayaa wali u baahnayd in ay dhaliso gool kale hadii ay doonayso in ay soo baxdo maadama ay xeer ku hadhayso hadii ay sidaas ku dhamaato.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Fc Porto kooxda Juventus ka reebtay champions league kadib kulan waali ahaa oo labada lugood la kala dhaliyay 4/4.