Barcelona oo laga reebay champions League+SAWIRRO

1789

Kooxda PSG ayaa bar-baro ku qabatay Barcelona kulan ay Saaxiibada Lionel Messi wax walba ku fiicnaayeen laakiin ka hadheen tartanka champions League.

Qaybta Hore:

Kooxda Barcelona oo u baahnayd goolal deg-deg ah ayaa ku bilaabatay ciyaarta si dar-dar leh xilli ay kooxda PSG ciyaaraysay daafac iyo weeraro rogaal celis ah.

Saaxiibada Lionel Messi ayaa kubada u diiday kooxda PSG iyaga oo saaray cadaadis waali ah oo ay goolal ku doonayeen si ay ciyaarta ugu soo laabtaan.

Laakiin kooxda PSG ayaa si fician u difaacatay iyaga oo qaadayay weeraro rogaal celis ah oo ay dhawr jeer gool uga dhalin gaadheen kooxda Barcelona.

Kooxda PSG ayaa rikoodhe loo dhigay kadib markii xiddiga Xiddiga Lenglet khalad ku galay weeraryahanka Mauro Icardi kaas oo dhulka ku dhacay.

Xiddiga Kylian Mbappe ayaa gool u badalay daqiqiadii 30-aad kadib markii VAR xaqiijisay in ay rikoodhe tahay.

Goolkaas ayaa xaalka ku sii xumeeyay kooxda Barcelona waxana ay u baahanyihiin ugu yaraan 5 gool si ay ciyaarta wax ugala baxaan.

Daqiiqadii 37-aad ayay Barcelona dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Lionel Messi kaas oo gool qurux badan u dhaliyay kooxdiisa.

Kooxda Barcelona ayaa qaybtii hore ee ciyaarta goolka PSG ku laagtay 15 gool waxana ay 9 ka mid ah la heshay goolka uu ilaalinayay Keylor Navas.

Kooxda Barcelona ayaa heshay rikoodhe daqiiqadii ugu dambaysay waxana u istaagay xiddiga Lionel Messi kaas oo doonayay in uu rajo siiyo kooxdiisa.

Laakiin Lionel Messi ayaa barita sare ku dhufay kubada isaga oo sidaas isaga khasaariyay fursad dahabi ah oo ay kooxdiisu ciyaarta ugu soo laaban kartay.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay kooxda Barcelona ahayd kooxda fiican waliba ka awood badnayd kooxda PSG kuwaas oo daafac ku jiray isla markaasna weerar rogaal celis ah ciyaarayay.

Qaybta Dambe:

Kooxda Barcelona ayaa qaybtii dambe sii waday dadaalada ay ku doonaysay in ay ku dhaliso goolla xilli ay kooxda PSG ciyaaraysay weeraro rogaal celis ah inta kalena daafac ku jirtay.

Barcelona ayaa wakhtiga tartan kula jirtay waxana ay qaab deg-deg ku jiro u ciyaaraysay xilli ay kooxda PSG ku faraxsanayd in ay Barcelona u dayso kubada waliba goolkeeda gaadh ka hayso.

Qaybta dambe ee ciyaarta ayaa ahayd koox weeraraysa iyo koox difaacaysa waxana ay kooxda Barcelona wax wlaba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd gool halka ay PSG Wax walba u samaysay sidii ay u difaacan lahayd goolkeeda sidoo kale qaadaysay weeraro rogaal celis ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro 1/1 ah sidaasna Kooxda PSG isaga xaadirisay wareega 8 dhamaadka champions League.