Akhriso 20-ka Xiddig Ee Ugu Fiican Premier League

2435

Wargayska Telegraph ayaa soo saaray 20-ka xiddig ee ugu fiican ilaa haatan horyaalka premier League kadib markii la ciyaaray 10 kulan iyo waliba markii la ciyaaray 3 bilood tartanka xilli ciyaareedkan.

Waxa qiimaynta wargayska ku soo baxay kaalinta 1-aad xiddiga kooxda Man City ee Raheem Sterling kaas oo ku jira qaab ciyaareed cajiib ah ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Waxa kaalinta 2-aad ku jira xiddiga kooxda Liverpool ee Trent Alexander-Arnold kaas oo si lama filaan ah kaalinta 2-aad ku jira kadib qaab ciyaareed cajiib ah ku bilowday xilli ciyaareedkan.

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Leicester City ee Wilfred Ndidi ayaa sidoo kale ka soo muuqday Kaalinta 3-aad ee xiddigaha ilaa haatan ugu fiican premier League.

Waxa si lama filaan ah looga waayay xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah kaas oo aan ku jirin 20-ka xiddig ee ugu fiican ilaa haatan premier league inkasta oo uu 5 gool dhaliyay.

Sidoo kale waxa Liiska ka maqan xiddiga kooxda Liverpool ee Virgil Van Dijk inkasta oo uu ku jiro qaab ciyaareed fiican halka uu sidoo kale ka maqan yahay xiddiga Sergio Aguero kaas oo 7 gool dhaliyay premier league xilli ciyaareedkan.

Kooxaha Man City iyo Liverpool ayaa min 5 xiddig ku leh halka kooxda Leicester City ku leedahay 4 xiddig iyada oo Aston Villa sidoo kale ku leedahay 2 xiddig  halka ay Chelsea iyo Arsenal ku leeyihiin min hal xiddig.

Hadaba Halkan Hoose kaga bogo 20-ak xiddig ee ugu fiican premier League ilaa haatan:

  1. Raheem Sterling (Manchester City)
  2. Trent Alexander-Arnold (Liverpool)
  3. Wilfred Ndidi (Leicester)
  4. Kevin De Bruyne (Manchester City)
  5. Fabinho (Liverpool)
  6. Joel Matip (Liverpool)
  7. Rodrigo (Manchester City)
  8. Gini Wijnaldum (Liverpool)
  9. Ricardo Pereira (Leicester)
  10. Tammy Abraham (Chelsea)
  11. Pierre-Emerick Aubameyang (Arsenal)
  12. James Maddison (Leicester)
  13. Youri Tielemans (Leicester)
  14. Ederson (Manchester City)
  15. David Silva (Manchester City)
  16. Sadio Mane (Liverpool)
  17. Jack Grealish (Aston Villa)
  18. John McGinn (Aston Villa)
  19. Adama Traore (Wolves)
  20. Diego Rico (Bournemouth)