Xulka Qaranka Italy Oo Guul Ku Bilowday Tartanka Euro 2020-2021 +SAWIRRO

1477

Xulka qaranka Italy ayaa guul ay u qalmeen ka gaadhay xulka Turkey kulan ka tirsanaa furitaanka tartanka Euro 2020 oo ka dhacay garoonka Sadio Olympico.

Kulanka ayaa ahaa mid uu xulka qaranka Italy ahaa mid fiican min bilowga ciyaarta ilaa dhamaaday xilli xulka Turkey uu si weyn ugu dhibaatootay in uu iska xamilo awooda xulka Italy.

Xulka qaranka Turkey ayaa inta badan ee ciyaarta ku jiray difaac iyaga oo aan qaybtii hore ee ciyaarta xitaa wax kubad ah ku laagin goolka xulka Italy.

Dhanka kale xulka Italy ayaa maamulayay ciyaarta iyaga oo ka awood badnaa xulka ay marti galiyeen ee Turkey kuwaas oo u muuqday kuwo bar-baraha raali ku ahaa.

Qaybtii hore xulka Turkey ayaa iska caabiyay xulka Italy dhanka difaaca iyaga oo hor istaagay weeraradii xulka Italy waliba u diiday in ay wax gool ah ka dhaliyaan goolkooda.

Waxa bar-baro gool la’aan ah ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta iyada oo xulka qaranka Italy ahaa midka fiican kana awood badan dhigiisa Turkey kuwaas oo aan tijaabin goolhayaha xulka Italy.

Qaybtii dambe ayuu xulka Italy ku bilowday ka go’naansho ah in ay jabiyaan daafaca birta ah ee uu xulka Turkey hor dhigtay goolkiisa si ay dhankooda ugu leexiyaan natiijada ciyaarta.

Daqiiqadii 53-aad ayuu xulka qaranka Italy helay goolkii uu u dadaalayay laakiin waxa ka caawiyay daafaca dhexe ee Xulka Turkey Merih Demiral kaas oo si khaldan goolka uga dhaliyay xulkiisa.

Wixii intaas ka dambeeyay xulka Turkey ayaa u muuqday kuwo niyad jabay maadama iyaga oo aan gool laga dhalin ku adkayd in ay gaadhaan goolka xulka Italy waxana durba ka muuqatay daalka iyo niyad jabka.

Daqiiqadii 66-aad ayuu xulka Italy dhaliyay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Ciro Immobile kaas oo hogaanka u dheereeryay xulkiisa kana dhigay 2/0 ay ciyaarta ku hogaaminayaan.

Xulka Italy oo aan u naxayn dhigiisa Turkey ayaa sii waday raadinta goolal kale iyaga oo aan joojin dadaalka.

Daqiiqadii 79-aad ayuu xulka qaranka Italy dhaliyay goolka 3-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Lorenzo Insigne kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka Italy guul weyn ku furtay tartanka euro 2020 waliba muujiyay in uu ka mid yahay xulalka ay tahay in laga cabsado.