Guddiga xallinta khilaafaadka oo ku wajahan Galmudug

940

Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamul Goboleedka Galmudug ayaa waxaa lafilay inay maanta gaaraan guddiga xallinta khilaafaadka Doorashooyinka Soomaaliya.

Guddoomiye ku-xigeenka guddiga xallinta khilaafaadka Mohamed ibrahim Barre iyo wafti uu hogaaminayo ayaa saaka u safraya Dowlad Goballeedka Galmudug, kahor doorashada xildhibaanada labada aqal.

Guddiga xallinta khilaafaadka ee ku wajahan Galmudug oo ka kooban 7 xubnood ayaa goobjoog unoqon doona Doorashada Aqalka sare ee senitorada kasoo baxaya Dowlad Goboleedka Galmudug oo ka bilaabmi doonta Dhuusa-Mareeb.

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa la filayaa in Dhuusamareeb ay si toos ah uga billaabato doorashada xubnaha aqalka sare ee Maamulkaasi kasoo galaya dowaldda, waxaana sidoo akle garab socda hardan xooggan oo ka jira kuraasta halkaasi taalla.