DAAWO:-Gudoomiye Cirro Oo sheegay Sababta Uu u Wareejiyey Xilka Gudoomiyaha Waddani

1315

”Annigu waxa aan Guddoomiyaha Xisbigan noqday 2012kii xiligaas oo shahaadada xisbinimo la siiyey xisbiga WADDANI, Muuse iyo Faysal labaduba way iiga horreeyeen xilka Guddoomiyaha Xisbiyada, da’ahaanna labaduba waa ay iga weyn yihiin, hase yeeshee, annigu waxa aan maanta Shirweynaha 2aad ee Xisbiga WADDANI hortiisa kaga dhawaaqayaa in aan ka hadhay in aan u tartamo mar 2aad xilka Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI”

Murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)

Nuxurka Khudbadii Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Ka Jeediyey Furitaanka Shirweynaha Labaad Ee Xisbiga

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey furitaanka shirweynaha labaad Xisbiga Waddani oo maanta ka furmay Hargeysa.

Guddoomiye Cirro, ayaa khudbadiisa kaga hadlay marxaladda waddanku marayo, Sicir bararka, siyaasadda arrimaah dibedda, doorashooyinka iyo qorsheyaasha Xisbiga Waddani ee doorashada madaxtooyada ee soo socota.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu khudbadiisa ku sheegay inuu ka hadhay mar labaad inuu u tartamo jagada Guddoomiyaha ee Xisbiga Waddani, isaga oo xusay inuu fursad siinayo madaxda kale ee Xisbiga Waddani.