Man City Oo sidhibleh kaga badisay Aston Villa +SAWIRRO

1407

Kooxda Man City ayaa guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Aston Villa kulan ka tirsanaa premier League kana dhacay garoonka Villa Park.

Kulanka ayaa ahaa mid ay Man City ku bilaabatay si dar-dar leh xilli ay raadinayeen in ay Aston Villa ka dhaliyaan goolal wakhti hore ah.

Man City ayaa daqiiqadii 27-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Ruben Dias kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 1/0.

Kooxda Man City ayaa cadaadiska ku sii xoojisay kooxda Aston Villa xilli ay raadinayeen goolal ay ciyaarta ku sii dheeryatayaan hogaanka ciyaarta.

Daqiiqadii 43-aad ayay Man City dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta waxana markan u dhaliyay xiddiga Bernardo Silva kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Liverpool wax walba kaga fiicnayd kooxda Aston Villa xilli uu Pep Guardiola ka awood bata Steven Gerrard.

Qaybtii dambe ee Man City ayaa Aston Villa ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay ciyaarta ku soo laabtaan ka hor inta uuna xaalu ku xumaan.

Daqiiqadii 47-aad ayay Aston Villa dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Ollie Watkins kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/2 xilli ay Aston Villa rajo ka heshay kulanka.

Labada kooxood ayaa helay fursado cajiib ah oo ay goolal ku doonayeen laakiin goolal uma badalin fursadihii ay heleen labadooduba inkasta oo ay labadooduba si fiican u ciyaareen.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man Ciyu gaadhay guul dirqi ah kulan ay koxda Aston Villa iska caabin weyn kala hor tagtay kooxda Pep Guardiola.