Alexis Sanchez Oo Weerar Culus Ku Qaaday Jose Mourinho

1863

Xiddiga Manchester United ee Alexis Sanchez ayaa weerar ku qaaday tababarihiisii hore ee Jose Mourinho oo bishii December shaqada laga caydhiyey.

Sanchez waxa uu sheegay in Mourinho uu ka dhex abuuray Manchester United jewi cudur oo kale, isla markaana ay kooxdu noqotay mid qalalalaase iyo deggaanaansho la’aan ku jirta.

Mourinho oo lagu beddelay Ole Gunners Solskjaer ayaa 11 ciyaarood oo uu kasii maqnaa hal kulan oo kaliya laga badiyey, waxaana ciyaaryahannadii dhibaatada badan dareemay ka mid ahaa Alexis Sanchez oo uu kaydka dhigay Mourinho.

Haddaba, xiddiga reer Chile oo shan gool oo kaliya u dhaliyey Manchester United dhamaan tartamada tan iyo markii uu yimid ayaa waxa uu ka sheekeeyey dhibaatooyinkii uu Mourinho u geystay iyo xaaladdii uu ka abuuray gudaha kooxda.

Sanchez oo u warramay BBC ayaa waxa uu si gaar ah u taabtay dhibaatooyinkii shaqsiga ahaa ee Mourinho uu u geystay, sidii uu u lumiyey kalsoonidiisa iyo arrimo kale, waxaanu yidhi: “Mourinho wuxuu ka mid yahay tababareyaasha dunida ugu wanaagsan, qaabka uu wax u tababaro, sida uu muuqaalada daawashada u daraaseeyo, iyo sida uu wax u qaabiloba, laakiin, kooxdan gudaheeda, waxa ka jiray dareen dibedda kaa dhigaya kooxda. Mararka qaarkood maan ciyaari jirin, haddana maan ciyaarin, oo haddana maan ciyaarin, markaad ciyaartoy tahayna kalsoonida ayaa kaa lumaysa. Kaddib, waxa kooxda ka abuurmay jewi aan caafimaad-qabin (xanuun ah).”

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN