Cumar Cabdirashiid, Faroole iyo Cabdiweli Gaas oo gaaray Garowe+SAWIRRO

876

Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo madaxweynayaashii hore ee Puntand oo ay wehliyaan siyaasiyiin iyo Isimo ayaa gaaray magaalada Garowe, si ay qeyb uga noqdaan dadaallada lagusoo  afjarayo khilaafka ka dhex taagan Puntland iyo hay’adda PSF.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay nabad ku baaqay, isagoo caddeeyay inuu diyaar u yahay heshiiska kasta oo xal lagaga gaarayo colaadda ka dhalatay xil ka qaadistii uu ku sameeyay agaasimihii PSF.

Wafdigaan ayaa kulan kooban madaxtooyada kula qaatay madaxweyne Deni iyo guddoonka golaha barlamaanka Puntland, waxayna maalmaha soo socda tegidoonaan magaalada Boosaaso, si ay ula kulmaan saraakiisha PSF.

Kadib hadalkii madaxweyne Deni uu xalay ka jeediyay magaalada Garowe, waxaa maanta magaalada Boosaaso dib ugu laabtay boqolaal qoys oo horey uga barakacay colaadda Boosaaso, kuwaas oo u badnaa qoysas danyar ah.

Madaxweyne Deni ayaa bogaadin iyo soo dhowayn ku helay go’aaanka nabadeed ee uu qaatay, inkastoo dadka dhaliila ay sheegeen in loo baahnaa in go’aankaas colaadda ka hor.