DAAWO:-Ciidanka Badbaado qaran oo soodegay Seyidka

1730

Iyadoo Magaalada Muqdisho ay ka taagan tahay xiisad siyaaadadeed oo u dhexeysa Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday iyo Raisul wasaaraha xilgaarsiinta ayaa waxaa caawa dhaqdhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa qeybo ka mid ah magaalada.

Ciidamo la sheegay iney ka tirsan yihiin kuwii badbaado Qaran oo taageero u muujinaya RW Rooble ayaa la sheegay iney fariisimo ka sameysteen agagaarka taalada Sayidka.

Taliye Geylac oo ka mid Sarakiisha Badbaado Qaran oo halkaas shir sharaaid ku qabtay ayaa sheegay in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday uusan xoog ku heysan karin talada dalka ayna diyaar u yihiin iney ka saaraan xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamo kale oo ka tirsan badbaado Qaran ay ka soo dhaqaaqeen degaano ka tirsan gobolada Sh/hoose iyo Sh/dhexe ayna ku soo wajahan yihiin magaalada Muqdisho.

Amaanka Madaxtooyada Somalia ayaa caawa si weyn loo xoojiyey, waxaana jidadka gala la soo tubay ciidamo dheeraad ah oo ku hubeysan gaadiidka Gaashaaman.

Inkastoo dhaqdhaqaaqyo cidian oo iska horjeedo iyo xiisado ay jiraan shacabkuna ay walaac badan qabaan haddana isku socodka gaadiidka iyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga magaalada ayaa si caadi ah u shaqeynaya.