DAAWO:-Gudoomiye Cali Jeyte oo weeraray Raisalwasaare Rooble

1372

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa si kulul ugu Jawaabay siyaasiyiin kasoo jeeda Hiiraan oo uu kamid ah yahay Wasiirka Arrimaha gudaha xilgaarsiinta oo kasoo horjeestay Ciidamada la geeyay Magaalada Baladweyne.

Guddoomiye Cali Jeyte oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Ciidanka Haramcad ee dowladda geeysay Baladweyne ay yihiin Ciidan qaran oo magaaladaas u la dagaalanka Al-shabaab, isla markaana aysan Ciidanka aheyn kuwo dano laga leeyahay.

Cali Jeyte ayaa siyaasiyiintii uu ku jiray Wasiir Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax ee kasoo horjeestay Ciidanka Baladweyne laga dejiyey ku tilmaamay inay yihiin kuwo siyaasad ka dhex raadinaya Ciidamada, sidoo kalena ah dad baagamuuda ah oo aan xilal heynin.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in uusan garaneynin waxa ku kalifay Ra’iisul Wasaare Rooble inuu amray Ciidanka Haramcad ee la geeyay Baladweyne in dib loogu celiyo Xeryahooda, isagoona xusay in Golaha Wasiirada aysan ka shirin Ciidankii hore dowladda u geeysay Galmudug.

“Ra’iisul Wasaaraha waxuu kasoo jeedaa Galmudug, maalin kasto Ciidamo ayey Dowladda ka dajisaa, maalin Golaha Wasiirda ma fariisin, Laakiin Baladweyne waxuu Wasiirdda u shiriyay oo Ciidanka ah laga celiyay u dhahayo ma’aqano” ayuu yiri Guddoomiye Cali Jeyte Cismaan.

Ugu dambeyn Guddoomiye Cali Jeyte Cismaan ayaa caddeeyay in haddii doorashada Golaha Shacabka laga wareejiyo Magaalada Baladweyne uu Mas’uuliyaddaas leeyahay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.