Aqalka Sare ayaa magacaabay gudiga doorashada maxadwaynaha

959

Aqalka Sare ayaa maanta yeeshay kalfadhiga koowaad kulankiisa afaraad kaas oo ay uga hadlayeen dhismaha iyo Ansixinta Guddiga Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo lagu wado doorashadiisa in ay dhacdo bishan.

Kulanka Golaha ayaa waxaa shir guddoominayey guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxaa goobjoog ahaa Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Senenatar Cali Shacbaan Ibraahin iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde).

“Sida sharciga ah oo xeer hoosaadka dhigayo magacaabista guddiga waxaa leh guddoonka, balse Golaha waxaa ku jira 39 xubnood oo cusub kuwaas oo aan xeerarkaas la socono sidaas ayaana u ogolaanay inay Golaha iska soo saaraan,” ayuu yiri.

Halkaan hoose ka akhriso xubnaha la magacaabay

1- Cali Maxamuud Gacal (Koonfur Galbeed)
2- Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar (Somaliland)
3- Cabdiqani Geelle Maxamed (Puntland)
4- Farxaan Cali Maxamuud (Galmudug)
5- Ibraahim Awgaab Cusmaan (Jubbaland)
6- Samsam Cabdullaahi Axmed (HirShabeelle)