Mahad Salaad oo u yeeray saraakiisha NISA ee Gedo

742

Agaasimaha cusub ee Hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugida Qaranka ee NISA, Mahad Maxamed Salaad ayaa bilaabay qorshe uu doonayo inuu maamulka gobalka Gedo kusoo aruuriyo gacantiisa, isagoo kala wareegaya saraakiisha NISA ee u dhaweyd Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Farriin loo diray saraakiisha NISA ee ku sugan Gedo, ayaa lagu amray inay kusoo xaroodaan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, Mahad Salaad ayaa qorsheynaya in saraakiisha lagu xanibo Muqdisho marka ay yimaadaan.

 

Xubnaha sare ee NISA ee la faray inay yimaadaan Muqdisho, ayaa lala socod siiyay in imaanshahooda ay kasoo hormarto inta aan la horgeyn Baarlamaanka, uusana xafiiska la wareegin Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee XFS Xamze Cabdi Barre.