Aqalka Sare Oo Ansixiyay Xubnaha Ku Matalaya Guddiga Dastuurka

396

Senatorada Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansaxiyay xubnaha Aqalka Sare ku matalaya Guddiga dib-u-eegista iyo la socodka hirgalinta Dastuurka, oo kala ah:-

1. Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid)
2. Senator Iftiin Xasan Iimaan (Baasto)
3. Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)
4. Senator Saalax Axmed Jaamac
5. Senator Xasan Xuseen Xaaji

 

Xubnahan oo uu soo magacaabay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BJFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa laga reebay Senatorada kasoo jeeda Puntland iyo Hirshabeelle, maadama la sheegay in xubnahan lagu soo dhisay nidaamka 4.5.