Xasan Sheekh Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Asmara +SAWIRRO

587

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi la socda ayaa galabta gaaray magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea.

Xasan Sheekh iyo wafdiga la socday waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Asmara kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Eritrea iyo masuuliyiin kale, waxaana Xasan Sheekh loo sameeyay soo dhaweyn heer sare ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dalka Eritrea uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo qaadanaysa muddo afar maalmood ah ugu ambabaxay dalka Ereteriya, ka dib markii uu martiqaad ka helay dhiggiisa dalkaas Mudane Isaias Afwerki.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa yeellan doona wada-hadallo dhinacyo badan taabanaya, iyaga oo si gaar ah u lafo-guri doona xiriirka iyo iskaashiga labada dal.