DAAWO:-Arsenal Oo Waqtigii Geerida Guul Ka Gaartay Fulham +SAWIRRO

410

Arsenal ayaa waqtigii geerida waxa ay guul ka gaareen Fulla oo ay uga talabsadeen 2/1

Arsenal ayaa soo bandhigtay ciyaar iska dhex dhexaad ah balse uu ka maqnaa in natiijada ciyaarta ay go`amiyaan qeybta hore

Fulham daafac ahaan waa wacnaayeen waana midda keentay in Arsenal u diidaan in gool helaan qeybtaas hore

Arintaas waxa ay Arsenal ka yeeshay in markii ugu horeeysay xilli ciyaareedkaan afar wareeg ka dib in ay ku fashilmaan in ay gool dhaliyaan qeybta hore ee ciyaarta

Soo laabashadii , xitaa wax is badalay ma jirrin kaliya Arsenal waxaa ka maqnaa hal abuurka , mararka qaarna maamulka kubadda waxa ay gaarsiinayeen heer dhan %73

Xilli xaalka sidaas yahay qalad uu sameeyay Gabreal ayaa keenay in gool looga naxsado daqiiqadii 56-aad balse waxaa ceebta asturay Odegard oo bar bard haca keenay daqiiqadii 64-aad.

Xhaka aad uyuu u dhaqaaqayay  waa uuna wacnaa balse wiilka reer Masar ee Elneny ma aheyn habeenkiisa

Dhamaadkii , Arsenal  kubadda waa ay kaga gacan sareeyeen Fulham ilaa ay heleen gool labaad , ka dib Var markii la eegay waa loo ansixiyay waxaana ceebta isaga dhaqay Gabriel  oo saqiiqasii 86-aad saxiixay

Si kastaba , wax aay ciyaarta ku dhamaatay 2/1 oo ay wiilasha Arteta ku dabaal degeen .