Boqorada Ingiriiska Elizabeth oo isbitaal la dhigay

401

Boqorada Ingiriiska Elizabeth ayaa la dhigay Isbitaal, iyadoo dhakhaatiirtu sheegeen inay ka walaacsan yihiin caafimaadka boqorada oo 96 jir ah

Boqorada oo ah boqorada ugu da’da weyn boqortooyada Britain, isla markaana ah boqorka ugu da’da weyn caalamka, ayaa tan iyo dhamaadkii sanadkii hore la il darnayd xanuuno kala duwan.

Dhammaan caruurteeda oo kala ah; Prince Charles, oo ah73 jir iyo dhaxal-sugaha, Princess Anne oo ah 72 jir, Prince Andrew oo ah 62 jir iyo Prince Edward oo ah 58 jir, ayaa tegay halka ay ku sugan tahay oo ah Balmoral Scotland, sida ay sheegtay boqortooyada.

“Kadib qiimeyn dheeri ah, dhakhaatiirta boqorada waxay ka walaacsan yihiin caafimaadkeeda, waxayna ku taliyeen inay ku sii jirto qeybta gargaarka deg deg ah ee caafimaadka,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay qasriga.

Bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, Elizabeth waxay ku qaadatay habeen cusbitaal Arbacadiina waxay baajisay kulan ay la lahayd wasiiro sare ka dib markii ay kula taliyeen inay nasato dhakhaatiirteeda.

Elizabeth waxay boqorada ka ahayd dalka Britain tan iyo 1952-kii, waxayna horaantii sanadkan u dabaaldagtay sanad guuradii 70-aad ee ay ku fadhido kursiga boqortooyada iyadoo afar maalmood oo dabaaldag qaran ah la qabtay bishii June.