Ciidamada dowladda iyo kuwa macawiislayda oo gudaha u galay degmada Aadan Yabaal

212

Wararka ka imanaya gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada dawladda federaalka Soomaaliya ay galeen degmada Aadan Yabaal, kadib maalmo ay ku sugnaayeen banaanka magaalada.

Mid ka mid ah mas’uuliyiinta degaanka, oo ah guddoomiyaha degmada Maxaas oo ciidnka la socda. ayaa u sheegay idaacadda VOA inay ciidanku gudaha u galeen ayna samaynayaan miino-baaris. Kooxda Al-Shabaab ayaa habeen hore isaga baxday magaalada.

Si kastaba, wararka qaar ayaa sheegaya in ciidanka markii ay galeen magaalada kadib ay dib ugu soo baxeen sababo la xiriira cabsi laga qabo miinooyin badan oo lagu aasay.

Ciidanka ayaa maalmahan kaabiga ku hayey Aadan Yabaal, oo ka mid ah laba magaalo oo ka tirsan gobolkaas oo weli kusii jiray gacanta Al-Shabaab.
Maalmo kahor, ciidamada ayaa qabsaday degaano dhowr ah oo ka mid ah gobolka, kuna dhow degmada Aadan Yabaal, oo ay ka mid yihiin Mabaax, Guulane iyo Daarusalaam.

Goor sii horreysay oo saaka ah, ayaa qaraxyo culus ay ka dhaceen gudaha degmada Aadan Yabaal, kuwaas oo ka dhashay ‘miinooyin ay Al-Shabaab ku xireen’ waddooyinka laga soo galo degmada iyo sidoo kale xarumaha muhiimka ah kahor inta aanay ka bixin.
Sidoo kale waxaa degmadan isaga barakacay shacabkii deganaa, si ay uga fogaadaan waxyeello kasoo gaarta howlgalkan oo ay barbar socoto duqeyn xoogan.

Al-Shabaab ayaa Aadan Yabaal ku lahaa saldhiggooda ugu weyn ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waana meesha ugu dambeysa ee ay haatan kaga sugan yihiin gobolkaasi.