DAAWO:- Khilaafka doorashada Puntland oo lugaha la galay ciidamada

338

Khilaafka siyaasadeed ee arrimaha doorashada Puntland ayaa lugaha la galay ciidamada, kaddib markii xalay sarkaal katirsan ciidamada uu ka horyimid diiwaan galinta doorashada qof iyo cod.

Xalay warqad kasoo baxday sarkaal ciidan oo lagu magacaabo Jimcaale Jamaac Takar oo sheegtay inuu yahay taliyaha ciidamada Danab ee Puntland ayaa ka digay wuxuu ugu yeeray diiwaan galin hubaysan oo laga sameeyo magaalada Garowe

Sarkaalkan oo deegaan ahaan kasoo jeeda Garowe islamarkana madax u ah ciidamo maleyshiyo beeleed ah ayaa xiriir dhow laleh siyaasiyiin kasoo horjeeda doorashada, siyaasiyiintaas oo ay ku jiraan kuwo xilal sare kasoo qabtay golaha wasiiradda Puntland.

Arrintan ayaa kusoo aaday xilli labo cishe kadib lagu wado inay magaalada Garowe ka bilaabato diiwaan galinta dooraahada qof iyo cod ee dowladaha hoose.