
Dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay taageero siineyso mas’uuliyiinta Soomaaliya, kaddib afduubkii markab ee ka dhacay biyaha Soomaaliya, kaasi oo la sheegay in uu Muqdisho usoo siday hub ay leedahay Ankara.
Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in laba markab oo ka tirsan ciidamada badda Turkiga ay toddobaadka soo socda ku wajahan yihiin Jabuuti, iyagoo qayb ka ah howlgalka badeed ee Ankara ka waddo Soomaaliya iyo nawaaxigeeda.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga, Zeki Akturk, ayaa sheegay in maraakiibta TCG Kemalreis iyo TCG Yzb Gungor Durmus ay Jabuuti booqan doonaan 3-da iyo 4-ta September, si ay taageero ugu fidiyaan kooxda howlgalka ciidamada badda Soomaaliya iyo howlaha saadka ee ku wajahan Soomaaliya.
Wasaaraddu waxay sidoo kale si gaar ah uga hadashay afduubkii dhowaan dhacay, iyadoo sheegtay in ciidamada Turkiga ee Soomaaliya ay sii wadaan inay Soomaaliya ka caawiyaan xoojinta awooddeeda la-dagaallanka argagixisada iyo burcad-badeednimada, iyadoo loo marayo heshiisyada laba geesoodka ah ee labada dal.
“Taageerada lagama maarmaanka ah ayaa la siinayaa mas’uuliyiinta Soomaaliya, iyadoo lala kaashanayo Wasaaradda Arrimaha Dibadda arrinta ka dhacday gudaha biyaha Soomaaliya,” ayey wasaaraddu ku sheegtay bayaan.
Wasaaraddu ma aysan magacaabin markabka la afduubtay, mana aysan caddeyn nooca taageero ee Turkigu bixinayo. Sidoo kale, ma aysan sheegin in labada markab ee toddobaadka soo socda tagaya Jabuuti ay ka qayb qaadan doonaan hawlgal la xiriira afduubka.
Hadalladan ayaa kusoo beegmaya xilli si weyn isha loogu hayo hawl-gallada militari ee Turkiga ee ka socda xeebaha Puntland, halkaas oo burcad-badeeddu ay ku haystaan markabka M/V LUTUF iyo shaqaalihii saarnaa.


















