Ciidamada Turkiga oo soo furtay markabkii hubka siday

7

Markabka MV LUTUF, oo 17-kii Agoosto ay koox burcad-badeed ah ku qabsadeen xeebaha Puntland, ayaa la sheegay in goordhow laga sii daayay gacanta kooxihii haystay.

Markabka oo ka babanaya calanka Cameroon ayaa lagu qabsaday meel u dhow xeebaha degmada Eyl, iyadoo koox hubeysan ay la wareegtay gacan ku hayntiisa. Warbixinno hore ayaa sheegay in markabka uu ka soo baxay Turkiga, isla markaana uu siday xamuul la xiriira qalab iyo saanad loogu talagalay Soomaaliya.

Sii-deynta markabka ayaa timid xilli xaaladdu ay aad u kacsanayd, iyadoo ciidamada iyo diyaaradaha Turkiga lagu soo warramay inay si dhow ula socdeen goobta uu markabku ku sugnaa. Laba markab oo ay leeyihiin Turkiga ayaa sidoo kale lagu arkay agagaarka markabka, sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah.

Intii uu markabku gacanta ugu jiray burcad-badeedda, waxaa sidoo kale xeebaha Puntland ka dhacay weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah oo lagu dilay xubno looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin kooxihii afduubtay markabka. Mas’uuliyadda weerarradaas si rasmi ah looma xaqiijin.

Ilaa hadda lama oga in burcad-badeedda lagu bixiyay madax-furasho si ay u sii daayaan markabka iyo shaqaalihii saarnaa, ama in cadaadis iyo tallaabooyin ciidan oo ay qaadeen ciidamada Turkiga ay sabab u noqdeen sii-deyntiisa.

Sidoo kale, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya, Puntland ama Turkiga oo si cad u sharxaya sida iyo sababta MV LUTUF loo sii daayay.

Wararka soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya in burcad-badeedda Soomaalidu ay weli haystaan dhowr markab oo kale, taasoo muujinaysa in weerarrada burcad-badeeddu ay dib uga soo cusboonaadeen xeebaha Soomaaliya.