DAAWO:-Muuse Biixi oo ‘cadaw soo jireen ah’ ku tilmaamay Puntland

366

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in aan marnaba laga sugeynin dhankooda in ay ciidan kala baxaan gobalka Sool iyo magaalada Laascaanood.

Isagoo khudbad ka jeedinayay fadhiga Baarlamaanka maamulka Somaliland, ayuu Madaxweyne Biixi ku eedeeyey Puntland in ay mushkilad ku hayso dawladda Faderaalka & Somaliland si ay danaheeda u gaarto.

“Mar salba waxa jiray cadawga Somaliland oo ku dadaalayey in uu xagal-daaciyo nabadda, wadajirka iyo horumarka Somaliland. Cadawgaas waxaa kamid ah argagixisadda iyo Puntland oo colaad ka huriyay magaalada Laascaanood, iyaga oo xaalad dagaal heliyay muwaadiniinta reer Somaliland ee ku noollaa deegaanka Laascaanood” ayuu yiri Madaxweyne Biixi.
Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in ay gobalkan aysan 15kii sanno ee lasoo dhaafay ka dhicin dil iyo kufsi, oo aysan dhankooda geysan, waxaana uu xusay in dadka deegaanka ay iyagu is maamulayeen, kaliya gudoomiyaha gobalka uu ahaa dhankooda (Beesha madaxweynaha). Waxaa uu intaa ku daray in dilalkii ka dhacay Laascaanood ee loo geystay haldoorka gobalka, ay argagixiso geysanaysay.

Isimadda beelaha goballada SSC & argagixiso is kaashanaysa ayuu ku eedeeyey in ay dagaalka bilaabeen oo ay wali wadaan, dhankoodana ay difaacayaan xaduudaha Somaliland.

Mr. Biixi ayaa sheegay in xuduudii gumeystaha ay tahay lama taabtaan aan cidna waxba ka bedeli karin, oo ay u dagaalamayaan ciidankiisa.